Akhriso magacyada qaar kamid ah xubnaha Galmudug u matalaya Aqalka sare ee Baarlamaanka

0

Doorashada aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maanta ka bilaabatay magaalada Cadaado ee xarunta KMG u ah dowlad goboleedka Galmudug, kaasi oo ay ku tartamaayan 19 xubnood.

Doorashada ayaa laga rabaa inay ku soo baxaan 8 xubnood oo Dowlad goboleedka Galmudug u matala aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya.

Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukhaari) ayaa ku guuleystay kursiga aqalka sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib tartan saacado qaatay oo uu la galay musharax kale oo ay xilka ku loolamayeen.

Sidoo kale Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid ayaa si lama filaan ah ugu guuleystay kursiga aqalka sare ee kaga soo aadey beeshiisa kadib markii shaqsigii la tartamayey Cabdi Qeybdiid uu ku dhowaaqay inuu tanaasulay, waxaana Qeybdiid dood la’aan, muran la’aan iyo sidoo kale waqti lumis dhammaaday uu u helay codka kursiga.

Cabdi Axmed Dhuxuloow “Dhegdheer” ayaa sidoo kale ku guuleeystay xubinnimada aqalka sare kadib markii uu ka guuleystay musharaxii la tartamayay oo ahaa Luul Maxamed Shee

Sidaasi oo kale Yusuf  Geele Ugaas ayaa isaguna noqday shaqsiga afaraad eek u guuleystay xubnaha Aqalka sare ee Soomaaliya u matali doona Galmudug.

Zamzam Daahir Maxamuud ayaa iyana ku guuleysatay kursiga 5-aad ee xubnaha Aqalka sare u matalaya Galmudug, kadib markii ay wada tartameen iyada iyo Faadumo Macalin Cumar oo musharaxiinta kamid aheyd.

Zamzam ayaa noqoneysa gabadhii ugu horeysay ee kamid noqota xubnaha Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Waxaa goor dhow lasoo gabagabeeyey qeybtii koowaad ee doorashada xubnaha Aqalka sare ee ka imaanaya Galmudug, iyadoo maalinta berri ah la dhameystiri doono.

Share.

Leave A Reply

%d bloggers like this: