Al-Shabaab oo Xalay Madaafiic ku Garaacay Saldhiga Ciidamada ee Dagmada…

0

Wrarka ka imaanaya degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Xalay ay Al-shabaab Madaafiic ku garaaceen Xaafado ka mid ah Degmada iyo Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Degmada Qoryooley.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Tiro Hoobiyaal ah ay ku soo dhaceen degmada Qoryooleey,halka kuwo kalena ay ku dhaceen Saldhig Ciidamada Midawga Afrika ay ku leeyihiin Degmada.

Illaa Saddex Qof oo rayid ah ayaa la Xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen Madaafiicda lagu Weeraray Degmada Qoryooley ee Gobolka Shabellaha Hoose.

Guddoomiyaha Qoryooley oo aan la Xariirnay ayaa sheegay in Madaafiicdu ay jiraan,balse ay ku soo dheceen Hareeraha Magaalada Qoryooley.

Share.

Leave A Reply

%d bloggers like this: