Dagaal dib uga Qarxay Magaalada Gaalkacyo

0

Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa laga maqlayaa waxyar salaadii maqrib ka hor dhawaqa hubka waa weyn noocyadiisa oo ay isku adeegsadeen maamulada Galmudug Puntland.

Hubka waa weyn ay is waydaarsanayaan labada dhinac ayaa dhawaqeeda laga maqlayaa gudaha magaalada Gaalkacyo

Hubkan lays waydaarsanayo ayaa kusoo aadaya iyadoo maanta magaalada Gaalkacyo ay booqasho ku tageen Wafdi uu hogaaminayey wasiirka arimaha gudaha dawlada hoose iyo Hormarinta reer miyiga dawlada Puntland.

Share.

Leave A Reply

%d bloggers like this: