Mataano madaxa isaga dhegenaa oo qallin socday 20 saacadood loogaga sameeyay(SAWIRRO)

0

Mataano wiilal ah oo 13 bilood jira ayaa lagu guuleystay in lagu kala qeybiyo iyagoo madaxa isaga dhegenaa tan iyo markii ay ifka yimaadeen.

Isbitaalka carruurta ee Montefiore Medical Center oo ku yaal magaalada Bronx dalka Maraykanka ayaa dhamaystirey goordhow qalliinka labadan wiil Jadon iyo Anias McDonald.

Jadon ayaa ahaa wiilkii ugu horeeyay ee loo dhamaystiro qalliinka iyo howlaha caafimaadka ee ay dhakhaatiirtu ku kala qeybinayeen mataanahan waxaana lagu wadaa in muddo 72 saacadood ah ay ku jiri doonaan carruurtan qeybta degdega ah ee isbitaalka.

Qalliinkan ayaa waxaa fuliyay koox dhakhaatiir ah oo uu madax u yahay  Dr. James Goodrich oo la aaminsan yahay inuu yahay dhakhtarka ugu wanaagsan ee qalliinada madaxa ee dalka Maraykanka.

Waxana uu qalliinkan noqday kii 7aad ee uu madax ku sameeyo Dr Goodrich waana qalliinkii 59aad ee dunida laga sameeyo tan iyo sanadkii 1952dii, Mataanahan McDonald ayaa noqday kii ugu waqtiga dheeraa ee uu dhakhtarkan sameeyo.

qalin-madax-1

qalin-madax-2

qalin-madax-3

qalin-madax-4

qalin-madax-5

qalin-madax-6

qalin-madax-7

qalin-madax-8

qalin-madax-9

Share.

Leave A Reply

%d bloggers like this: